Wararkii u dambeeyey Ciidamada Ahlusunna oo ku wajahan Dhuusomareeb iyo Dagaal laga cabsi qabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka amar qaata hogaanka sare ee Ahlu sunna oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Huurshe ee woqooyiga gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa inay soo degeen saaka degaanka Bohol oo qiyaastii 20km Woqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Dhuusamareeb.

Hadal haynta ugu badan ee bulshada caasimadda Galmudug ku nool ayaa maanta ah ciidankaas oo la aaminsan yahay in hadafkoodu yahay Dhuusamareeb iney ku soo duulaan.

Dadka degaanka Bohol ayaa sheegay inay arkeen ciidamo wata gaadiid dagaal oo magaalada soo degay isla markaana fariisimo ka sameestay deegaanka.

Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin weli dhaqdhaqaaqa ciidan ee ahlu suna ka bilowday hareeraha magaalada Dhuusamareeb
Dhowaan ayey aheyd markii hogaamiyeyaasha Ahlu sunna oo kala Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir ay dib ugu laabteen degaano ka tirsan Galmudug, halkaasoo ay ka bilaabeen abaabul ciidan.