Wararkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo dhowr jaho ka dagay Guriceel.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegayaa in ciidamada dowladda Federaalka ay dhowr jaho ka dagay magaalada, waxaana lasoo warinayaa in ay damacsan yihiin inay go’doomiyaan Ahlusunna.

Dhanka kale ciidamo taabacsan Ahlusunna ayaa dhufaysyo waaweyn ka qotay gudaha magaalada iyo daafaheeda, ayagoo qorsheynaya inay iska difaacaan weerarkasto oo lagunsoo qaado.

Maamulla Galmudug ayaa doonaya in gacanteeda ay dib ugu soo celiso Guriceel halkaas oo dhaqaalo badan uu kasoo gali jiray Maamulka, sababtoo ah Guriceel waa goob muhiim ah waana magaalo ganacsi.

Sidoo kale ciidamada Ahlu-Sunna ayaa dhufeyso kale ka sameestay banaanka magaalada.

Marka loo eego ciidamadan is hor-fadhiya wxaa suurtagal ah in saacad walba inuu halkaasi ka dhici oaro dagaal ama uu ka bilowdo dagaal aan natiijadiisa la ogaan karo meel uu ku dhammaan karo.