Wararkii u dambeeyey Dab xoog leh oo ka kacay Suuqa Degmada Dharkeynley

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Suuq Boocle oo kuyaal degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka bilaawday Goob lagu iibiyo Qalabka Electronic, isla markaana uu ku faafay goobo kale.

Dadka deegaanka & Qaar kamid ah Ganacsatada suuqa ayaa ku howlan daminta dabka waxaana la wargeliyay waaxda Dab damiska Dowladda Hoose iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay uga hortagaan in uu u gudbo goobo horleh.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta ay gaareen gawaarida dam damiska, isla markaana inta badan ay ku guuleysteen in dabka la demiyo.

Weli lama oga khasaaraha hantiyeed ee uu geystay dabkaan, sidookalena lama oga sababta ka dambeysay inuu dabkaan kaco blase inta badan  waxaa dab ka kaca guriyaha iyo goobaha ganacsiga ee Muqdisho.