Wararkii u dambeeyey dad Gaajo & Haraad ugu geeriyooday Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya deegaano katirsan Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu sheegayaa in ugu yaraan lix qof ay abaar darteed ugu dhinteen.

Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyo farabadan  halkaasi kunooleyd, kuwaas oo dadkii lahaay ay u waayeen wax ay siiyaan.

Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya igo Maamulka Galmudug inay dadkaasi gurmad deg deg ah la soo gaaraan.