Wararkii u dambeeyey dagaal ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal u dhaxeeya ciidamo Booliis ah iyo kuwa Milatryga Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay Muqdisho kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir iyo Soone ee Muqdisho waxaan uu u dhaxeeyay Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo ciidamo ka tirsan Milliteriga Soomaaliya, iyadoo lasoo warinayo in la isku haysto dhul ay lahayd wasaaradda howlaha guud oo ku yalla halkaas.

Isku dhaca ciidanka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday dhul halkaas ku yalla oo la doonayay in la dhiso waxaana is hor istaag ku sameeyay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Khasaaro ayaa soo kala gaaray ciidadmadii ku dagaalamay goobta, iyadoo lasoo warinayo in uu dhaawac soo gaaray saraakiil hogaaminaysay ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ka dhaawacantay dagaal ka dhacay Muqdisho. Sidookale Istaalka digfeer ee magaaladda Muqdisho ayaa la gaarsiiyay ilaa 3 qof oo dhaawac.

Taliyaha ciidanka Haramcad, Cabdixamiid Cabdullahi Fanax, ayaa ku dhaawacday dagaalka sidookale taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya ee degmada Dharkenley ayaa ku dhaawacmay.

Dagaalka ayaa hada qaboobay waxaana wali is horfadhiya ciidankii lagaalamay.