Wararkii u dambeeyey Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Walanweyn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah una dhaxeeyay Ciidamada Ammaanka degmada Walanweyn iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa uu ka dhacay meelo kamid ah degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Wlaanweyn ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay ku dhinteen laba Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana maleeshiyaadka ay la dagaalameen ay ahaayeen kuwo isbaaro dhigan jiray inta u dhaxeeysa degmada Walanweyn iyo degaanka Yaaqbari weyne.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Yoonis Aadan Xasan ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii maalmahaan ay bilaabeen howlgallo isbaaro qaadis ah, ayna kusoo qabteen rag degaannada ku xeeran Walanweyn isbaaro dhigan jiray.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu ugu baaqayo maleeshiyaadka kale ee ku maqan bannaanka inay isku soo dhiibaan Ciidamada Ammaanka inta aan la soo qaban.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada, waxaana taasi ay keentay in amniga uu faraha ka baxo.