Wararkii U Dambeeyey Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Marka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada dowladda soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dgaalkan uu yimid kadib markii  Khilaaf soo kala dhaxgalay, ciidamadan ayaana u abaabulan sida maleeshiyo beeleed ah, hase yeeshee ka kala tirsan malitariga iyo Nabadsugida soomaaliya.

Dadka Degmada Marka ayaa sheegay in isku dhacaan  uu ka dhacay gudaha magaalada Marka, islamarkaasna cabsi ku abuurtay shacabka ku nool magaaaladaasi.

Lama oga dadaka dagaalkaasi ku geeriyooday, waxaana wararku ay sheegayaan in dad shacab ah uu wax ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah.