Wararkii u dambeeyey Dagaalka Galmudug, Qoorqoor ka dagay Dhuusamareeb.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegaya in Ahlusuna ay la wareegeen  degmadaas.

Qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna aysan marnaba diyaar u aheyn daadinta dhiigga Muslimiinta isla markaasna iyaga lagu soo duulay ayna ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Ilo xog-Ogaal ah oo ku dhow Ahlussuna ayaa sheegay in ay ictiraafsan yihiin dawlad Goboleedka Galmudug, laakiin ay saluugsan yihiin Axmad QoorQoor, maadaama tabashooyin badan laga tirsnayo, islamarkaana uu dayacay amnigii deegaanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa todobaadyo intii uu ku sugnaa Muqdisho ayaa dhaq dhaqaaqyo Ahlusuna dib uga bilowday Galgaduud ugu suura gashay inay qabsadaan degmada Guriceel.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guricel ayaa waxaa ka socda abaabul looga hortagayo waxaana ciidanka Ahlusuna ku biiriya Ciidamo horay uga tirsana Dowlada.