Wararkii u dambeeyey dagaalka u dhexeeya ciidamada Ahlu-Sunna iyo Galmudug.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal u dhaxeeya ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada ay weli halkaas isku horfadhiyaan, islamarkaana ay xiisadda kacsan tahay.

Dagaalka weli wey adag tahay in la ogaado khasaaraha inta uu la eg yahay waxaana la maqlayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug oo ku baxay dagaalka ayaa waxay sheegeen in ay isku dayayaan sidii ay hubka uga dhigi lahaayeen maleeshiyaadka la dagaalamaya lana soo qaban doono.

Ahlusuna dhankeeda waxay xubno saraakiil uhadashay ay sheegeen in gaari tikniko ah ku qabsadeen iyadoo gaari kale uu faro dirqi ah kaga bad baaday.

Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa midna weli war kasoo saarin dagaalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlu-Sunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud, ayaga oo qorshahoodu yahay inay dib u qabsadaan Galmuudg.