Wararkii U Dambeeyey Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Jira Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ayaa ka jira xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo oo saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan ku daabuleysay degmada Beledxaawo, waxaana ciidamadan ay ka yimaadeen degmooyinka Luuq iyo Doolow.

Wararka ayaa sheegaya in dhanka Kenya ay dhaq dhaqaaqyo ka jireen, gaar ahaan dhanka Mandhera, iyadoo la soo sheegayay diyaarado helicopter ah oo kawi hoose ku duulaya oo lagu arkayay dhanka Mandhera.

Guddoomiy kuxigeenka magaalada Mandhera Maxamed Axmed Caraaye oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dhaqaaqyada ciidan ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa magaalooyinka Mandhera iyo Beledxaawo.

Waxaa uu sheegay in xaalada ay sii adkaaneyso, cabsi badan ay dadweynaha ka qabaan inuu dagaal dhaco, waxaa uu xusay in Mandhera ay tahay suuq weyn oo xoolaha laga iibsado oo muhiim ganacsi u yahay dadka ka soo jeeda saddexda dal Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Kumanaan arday oo dhanka Beledxaawo ka yimaada ay waxbarasho u soo aadaan dhanka Mandhera.

Guddoomiye kuxigeenka Mandhera ayaa xaqiijiyay in labada dhinac Soomaaliya iyo Kenya ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyada ciidan.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta inay isku noqdaan oo xiriirka labada dal dib u soo celiyaan, wixii dhib jira wada hadal lagu xaliyo, awalba xuduuda waa xirnaa, balse waa la isu gudbi jiray xaalada waa sii adkaaneysaa”ayuu yiri

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay jabhad ku hubeyneyso xuduuda, waxaana ay ka digtay in maleeshiyaadkaas soo weeraraan Beledxaawo, dowladduna ay difaaceyso madaxa bannaanida dhulkeeda iyo wadajirkeeda.