Wararkii U Dambeeyey Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Garoowe.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha aragti wadaaga ee Machadka Hiretage, kaas oo la filayay in uu Galabta ka furmo magaalada Garoowe ee Caasimadda puntland.

Agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in sababta dib u dhaca ay ka dambeeysay, kadib markii uu yaraaday hoolka lagu qaban lahaa shirka, iyada oo dadkii ugu badnaa ay Hoolka Shirka xaadireen.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu u soo jeediyay Madaxda Machadka Hiretage in shirka Maanta dib loo dhigo si loo diyariyo hool weyn oo dhamaan ka qeyb-galayaasha ay geli karaan.

Agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi waxa uu sheegay in Maalinta Berito oo arbaco ah uu shirka ka furmi doono  hoolka weyn ee xarunta Jaamacadda PSU ee Magaalada Garoowe.Mas’uuliyiin isugu jira Mucaafid & Mucaarad ahaa isugu tegay Magaalada Garoowe si ay shirka uga qeyb-galaan, waxaana qorshuhu yahay in lagu qabtay meelo kale oo aad u weyn si wanaagsana madxda & ka qeyb-galayaasha u qaadi karta.

Shirka Aragti wadaaga ee Machadka Hiretage oo lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay waxa lagu qabanaya Magaalada Garoowe, waxaana looga hadlayaa xaalada Soomaliya, sida doorashooyinka, Amniga, dib u eegista Dastuurka iyo qodobo kale.