Wararkii U Dambeeyey Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii Maanta Rag la sheegay inay ahaayeen shacab ku dilay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir.

Laba Wiil dhalinyaro ah ayaa dilka loo geystay, xili ay ku sugnaayeen Isgoyska laba dhagax dhinaca degmada Warta-nabadda, iyagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogeen Askarta, waxaana markii halkaas uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo qaaday Meydadka.

Raggii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday, waxaana wararka qaarkood ee soo baxaya ay sheegayaan inay ragga la dilay ay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda, in kastoo aan la cadeyn.