Wararkii u dambeeyey doorashada Galmudug iyo Baarlamanka oo war cusub soo saaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeyb kamid ah kuwa Maamulka Galmudug ku matalaya Aqalka Sare.

Goobta doorashada ayaa waxaa laga akhriyay habraaca doorashada, waxaana la sheegay in codeynta doorashada Aqalka sare ay tahay qarsoodi, kursi kastana ay ku tartamayaan laba xubnood, isla markaana hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonta gacan tag.

Shalay ayaa Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka sare habraac ay soo saareen waxaa kujiray in hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonto qarsoodi taas oo walaac laga muujiyay.

Qodobka ugu culus ee habraacii Shalay lasoo saaray ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.