Wararkii u dambeeyey doorashada ka socota Muqdisho iyo Seddex xildhibaan oo cusub oo la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Xarunta dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ka bilaawday doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaaliland.

Dhammaan Ergada iyo musharixiinta ayaa ku sugan xarunta,waxaana billaabatay codaynta musharaxiinta,kuwaasi oo dooranaya musharixiinta ku tartami doona lixda kursi.

Sidoo kale goobta ay ka dhacayso doorashadu ayaa waxa ku sugan xubno ka kala socda Guddiyada doorashooyinka Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Cabdiraxmaan Warsame Saciid, waxaana kursiga Hop#225  Golaha Shacabka  ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 96 Cod halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod.

Dhankale Aamina Cumar Jaamac ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay 202 ee golaha shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ka dib markii ay ka tanaasushay doorashada, Aamina Cismaan Diiriye oo lataramaysay.

Sidoo kale kursiga Saddexaad ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali kaddib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.

Waxaa la guda galay doorashada kursiga Afaraad ee Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan laba musharax oo kale, kuwaas oo haatan ay codyentoodu socoto.

Wali waxaa wali socota doorashada, iyadoo kuraasta harsan lagu dooran doono xarunta Genaraal Kaahiye.