Wararkii u dambeeyey Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee G/Waqooyi

MUQDISHO-AYAAAMAHA-Waxaa maanta la soo gabagabeynaya doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi ee Somaliland, iyadoo ay dhici doonto doorashada shanta kursi ee ka dhimmaan 11-ka kursi ee gobolladaas.

Guddiga doorashada gobollada Somaliland ayaa soo saaray jadwalka dhameystirka doorashadan, iyadoo shalay la doortay lix kursi.

Xubnihii shalay la doortay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaji Cabdullaahi, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Waxaa Goordhaweyd Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada shanta kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ergada doorashada Somaliland ayaa mar kale Saciid Cabdi Xasan Cowke u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare, waxaana loogu codeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Jaamac Cabdullaahi Maxamed.