Wararkii U Dambeeyey Gaadiid U Rarnaa Ganacsato Oo La Gubay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu gubay gaadiid nooca xamuulka qaada ah.

Gaadiidkaan oo ka baxaya Muqdisho ayaa dad deeganka  waxaa ay sheegeen inuu waday Shixnado Ganacsi iyo Dhuxul lagu gubay, xili ay marayeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq-biriweyne ee Shabeellaha Hoose.

Dabley hubeysan aya la sheegay inay wada u galeen gaadiidkaas.

Gaadiidka la gubay ayaa la tilmaamay inay u rarnaayeen Ganacsato ku sugan Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, hayeeshee wada loo galay, kadibna la gubay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gaadiidka oo gaarayay ilaa iyo 3 gaari darawaladii waday ay dableyda hubeysan oo loo maleynayo Shabaab ka baxsadeen, sidaasina ugu suura-gashay in dab xoogan la qabadsiiyo, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.

Dhinaca kale ku dhawaad 60 gaadiid oo nooca xamuulka ah iska markaana shixnado ganacsi u wado Gobolada dalka ayaa haatan ku xayiran degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sababo la xiriiro amaanka waddada.