Wararkii u dambeeyey gabar muqdisho ka timid oo booliska Jigjiga kala baxeen gurigeeda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qureesh Abiib Xuseen oo ah gabadh da’ yar ayay booliska dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya kala baxeen gurigeeda oo ku yaalla magaalada jigjiga, 29 bishii aynu soo dhaafnay.

Maalmo dhowr ah oo ay ehelkeeda baadigoobayeen ayay booliska deegaanka sheegeen in ay gacanta ku hayaan oo ayna baaritaan ku wadaan.

Qureesh ayaa dhawaan ka timid magaalada moqdisho, hooyada gabadhan xiran ayaa warbaahinta uga warrantay qaabka gabadheeda loo xiray iyo sida ay ciidamada ula dhaqmeen.

Taliye ku xigeenka booliska dowlad deegaanka Soomaalida, gaashaanla sare Cali Cabdi-Jabbaar oo ka hadlay sababta ay booliska gabadhaasi u xireen wuxuu sheegay in fal dambiyeed looga shakiyey baritaanna uu ku socdo.