Wararkii u dambeeyey Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku dhex-maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaidb markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Daraawsiihta Galmudug  ay ku leeyihiin degaanka Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarka  uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay & dad Shacab ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyagoo jooga guryahooda.

Magaalada Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan degaannada Galmudug.