Wararkii u dambeeyey kulanka ka socda Hoteelka Jasiira iyo go’aanka cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulanka maalintii 3aad yeesheen Xubnaha Golaha midowga musharrixiinta ayey uga hadleen xaalada dalka iyo sida ay u arkaan.

Maanta ayey Golaha Murashaxiinta Siyaabo gooni gooni ah ula kulmeen Bulshada rayidka & Daneeyeyaasha Beesha caalamka.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa is weydaarsaday sida doorasho xor iyo xalaal ah dalka uga dhici laheyd islamarkaana wax tabashada la qabo xalkeeda la raadiyo.

Inkastoo shirka saxaafada dibada ka joogtay hadana ilo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Warbaahinta Nation in go’aano culus kasoo bixi doonaan gaba gabada shirka war murtiyeedna ay soo saaraan.

Gudoomiyaha Golaha Midowga Murashaxiinta Sheekh Shariif oo kulanka shir gudoominayey ayaa sheegay in ay danta dalka iyo dadka raadinayaan.

Lama oga qodobada lagu xusi doono war murtiyeedka la diyaarinayo ay Murashaxiinta gaba gabada shirkooda kasoo saari doonaan.