Wararkii U Dambeeyey Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhalinyaro soomaaliyeed ayaa laga soo waramayaa in lagu dilay dalka koonur Afrika, waxaana wararka aan ka helayno sheegayaan in dilka loo gaystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka mid ahaa ganacsatada dalkaas ee Koon Afrika.

Labo Dhalinyaro oo Soomaali ah ayaa ku dhintay rabshadaha xooggan ee dalkaasi ka socda, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Soomaali kale oo ku nool dalkaasi.

Dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed oo gurmad ahaan ugu socday Dukaamo ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin oo ku yaalla Duleedka Durban ee Dalkaasi Koonfur Afrika, ayaa lagu rasseeyey Gaarigii ay saarnaayeen.

Wiilasha halkaasku geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Mahad Ciise Baadi iyo Sarjaan Cali waxaana sidoo kale jira dad kale oo ilaa hadda la la’yahay nolol iyo geeri.

Sidoo kale waxaa dilalka barbar socda dhaca iyo bur-burinta lagu hayo ganacsiga Soomaalida, oo ilaa iyo hadda la boobay Dukaammo, halka kuwe kalena la gubay.