Wararkii u dambeeyey Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho & cida la beegsaday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa weyn oo dhawaqiisu gilgilay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa lala eegtay Ciidanka AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Gaari isasoo miidaamiyey oo noociisa lagu sheegay Nooho ayaa isku qarxiyey ciidanka AMISOM oo marayey Villa Baydhaba aagga Isbitaalka Madiina.

Wararku waxaa ay sheegayaan inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray  shacab goobta maraayey sida ay sheegeen ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo Shacab ah halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood wadada marayay.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa hada ah goob degan waxaana waxaa la wareegay Booliiska Soomaaliya.

Waa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca Muqdisho, ayadoo muddooyinkii dambe laga nastay qaraxyada noocaan ah.