Wararkii u dambeeyey qarax khasaaro geystay oo dhacay Magaalada Marka

BAYDHABO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha oo ka dhacay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ka dhacay Garaash lagu magacaabo Cawaale oo ku yaal dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska.

Wararka ayaa waxaa intaas kusii daraya inuu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay qarax.

Saraakiisha Amniga ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla markaana uu ka dhex dhacay qol ku yaalla Gudaha Garaashka, iyada oo uu ku dhintay Nin Caanka ahaa degmada Marka oo lagu Magacaabi jiray Saciid Jalbow.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Marka ayaa sheegay in Ninkii diyaarinayay qaraxa uu ku dhintay in kastoo faah faahin kale aysan bixin.

Sidoo kale qaraxa waxaa ka dhashay burbur xoogan oo gaaray qolka uu kujiray qaraxa ee katirsan Garaashka lagu farsameeyo Baabuburta oo ku yaal Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Magaalada Marka ayaa hareeyay Garaashka uu ka dhacay qaraxa, waxaana la sheegay in Ciidamadu ay qarax kale uga shakisan yihiin Goobta.