Wararkii u dambeeyey qaraxii ka dhacay Magaalada Beledweyne

Wararka Gudaha iyo Dibbada

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Qarax xoogan ayaa goordhaw ka dhacay gudaha saldhiga Booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isigu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan helay ayaa sheegaya in qaruxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lagu sii diyaariyay gudaha saldhiga booliiska ee magaalada Baladweyme.

Qaraxan miino ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in uu ku dhintay duqii degmada Feer Feer halka uu ku dhaawacmay taliyaha saldhiga Beledweyne Maxamed Qoorsheel.

Kudhawaad 5 Ruux Ayaa Ku Dhaawacantay Qaracan Waxaana ilaa Hada Laxaqiijiyay Dhimashada Duqii Feer Feer Hiiraan Allaha u Naxariistee Qaliif Garad.
Dadka Dhaawaca ah Waxaa Kamid ah Taliyihii Saldhiga Laba Xidigle Maxamed Qoorsheel Gudoomiyihii Feer Feer Mahad Beyle iyo Haweeney Maqaayada Laheyd.