Wararkii u dambeeyey qaraxii ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Caasimadda ayaa hadda ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Jubba.

Wararku waxaa ay sheegayaan in laba Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhintay qaraxa iyo naftiis halihii is qaraxiyey.

Wadartu dadka ku dhintay qaraxa maqrabkaan ka dhacay Muqdisho gar ahaan isgoyska Juba oo ku dhow Xarunta NISA ee Muqdisho ku taalla ayaa ah seddex ruux.

Sidoo kale labo qof oo katirsan ciidanka ayaa daawac ka soo gaaray.

Aagga qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo sugo ee caasimadda, waxaana ka dhow xarunta sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale tan booliska gobolka Banaadir.