Wararkii U Dambeeyey Qaraxyo Is Xig-Xigay Oo Ka Dhacay Degmada Bal-Cad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aan ka helayno degmada  Bal-cad  ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in goordhaweyd degmadaasi ay  ka dhaceen Qaraxyo khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira gaystay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Koontorool ku yaalla degmada Bal-cad ay ka dhaceen labo qarax, waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in qaraxyada Goobta lagu sii diyaariyay.

Ugu yaraan seddex qof oo midkood askari yahay ayaa lagu dilay, lix askari oo uu ku jiro taliye ciidan-na way ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo ka dhacay bar-kontarol oo ku taalla degmada Balcad.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa labaad oo ahaa mid aad u xooggan ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, waxaana hadda socda howl gallo ay wadaan Ciidanka ammaanka.

Maalintii shalay ayaa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degaanka Lafoole waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan shaqaale u dhashay Turkiga oo waday dhisaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Degmada bal-cad iyo degaanno hoostaga ayaa waxa horay uga dhacay dilaal Qorsheysan iyo Qaraxyo, waxaana inta badan falalkasi sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab