Wararkii u dambeeyey Rabshado weli ka socda Koofur dalka Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa weli rabshado xoogan ay ka socdaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Koofur Afrika, taasi oo saameyn ku yeelatay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Dilalka iyo dhaca loogu geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika oo aan aheyn mid cusub ayaa hada u muuqanaya mid sii kordhaya maadama hal todobaad gudahiisa halkaasi lagu dilay ilaa 10 muwaadin oo Soomaali ah oo halkaasi u tagay iney ka shaqeystaan.

Rabshadaha dalkaasi ka socda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya oo ku faafaya gobolada dalkaasi Koofur Afrika.

Shalay ayay aheyd markii muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu dilay dalkaasi, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Maxamud Qooje, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise Baadi, iyo Sarjaan Cali.