Wararkii U Dambeeyey Shirka IGAD Ee Lagu Dhex-dhaxaadinayo Soomaaliya iyo Kenya

JABUUTI-AYAAMAHA-Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada jabuuti ee dalka Jabuuti in uu ka furmo Shir madaxeedka dalalka IGAD, kaas oo sanadkaan looga hadlayo laba qoodb oo muhiim u ah wadadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray jabuuti ayaa shirka ka qeyb-geli doona, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee dalalka IGAD, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saari doono khilaafka wadamada Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda gobolka Tigreey ee dalka Ethiopia iyo saamaynta wadamada IGAD uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.Shirkaas waxaa la sheegay in looga arrisnayo xaaladda gobolka Geeska Afrika oo dalalka ku yaalla ay ku mideysanyihiin urur goboleedka IGAD.

Si gaar ah waxaa diiradda loo saari doonaa khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dheg galay Soomaaliya iyo Kenya iyo xaalada gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo dowladda dhexe ee Itoobiya ay kula dagaashay, isla markaana ay ka saartay maamulkii horay uga dhisnaa gobolkaas.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay madaxda dalalka IGAD hor dhigi doonto aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxaa ku weheliya safarkiisa oo shirkaas kala qeyb geli doona xubno ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulan doceedyo la qaadan doonaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Kenya u jartay 29-kii November, waxayna markaas kadib shir guddoonka IGAD u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya.

Qoraalkii ay madaxda IGAD uga soo jawaabeen dacwadii Soomaaliya ayaa lagu iclaamiyey shirkan maanta ka furmaya dalka Jabuuti, qodobka ugu weyn ee diiradda lagu saari doonana waa khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.