Wararkii U Dambeeyey Shirka Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Magaalada waxaa ku sugan inta badan madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo halkan u yimid ka qeyb galka shir uu ugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku aadan xal u helista qabsoomidda doorasho wadar ogol ah.

Shirar hore oo ay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay yeesheen ayaa guul dareystay, laakiin midkan waxa uu kaga duwanyahay iyadoo hoggaanka uu hayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Kulamo gaar gaar ayaa xalay ilaa iyo shalay ka socday magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeyay R/wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland