Wararkii u dambeeyey wiilal dhalinyaro ah oo lagu toogtay Muqdisho.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afar wiil oo dhalinyaro ah ayaa goordhow lagu dilay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana fuliyay rag bastoolad ku hubeysan.

Wiilasha la dilay 2 kamid ah waxay ahaayeen shacab, halka labada kale ay ahaayeen askar katirsan dowladda laakiin aan hub wadan xiliga dilka dhacayay.

Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta uu dilka uu ka dhacay balse waxey ku guul dareysteen iney qabtaan kuwa dilka geystay oo la sheegay iney baxsadeen.

Lama oga cida dilkan ka dambeysay balse weerarada nuucaan ah waxaa fuliya ururka Al shababaab kuwaa oo mas’uuliyadooda dusha u rita.

Waxaa xusid mudan in maalmahan amniga Muqdisho uu sii xumaanayo iyadoo xili doorasho lagu jiro islamarkaana uu khilaaf ka taagan yahay arrimaha amaanka sida wasaradda amniga iyo nabad sugidda.

Waxaa muuqata in Shabaab ay ka faa’ideysanayaan xiligan kala guurka ah oo laga mashquulay sugidda amniga.