Wararkii u dambeeyey xiisada dagaalka Galmudug iyo Sheekh Shaakir oo ka hadlay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Isagoo sii hadlaayo ayaa sheegay in sababta ay deegaanada galmudug ugu soo noqdeen inay tahay badbaadada Bulshadda Galmudug, taasoo sheegay in bixitaankoodii kadib oo Al-shabaab soo rogaal celiyeen.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in u jeedkooda ugu weyn ay tahay la dagaalanka Al-shabaab ee aysan aheyn in ay la dagaaĺamayaan Maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay dhammaan Ahlusuna oo dhan ay ka qeyb qaataan sidii wadanka loogu xureyn lahaa Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf hore uga dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Bishii Febraayo ee sanadkii hore ayaa hoggaamiyeyaasha sare ee ururka dagaal looga saaray magaalada Dhuusamareeb, kahor inta aysan dhowr toddobaad kahor u imaan gobolka, iyagoo u yimid ka qeyb galka siyaaro ka dhacaysay deegaanka Huurshe ee iska gobolka Galgaduud.