Wararkii u dambeeyey Xildhibaano ku dhaawacmay qarax ka dhacay Jowhar.

JOWHAR-AYAAMAHA-Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ddadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay maqaayad ku taalo xaafadda kulmis oo ay fadhiyeen xubno xildhibaano ah.

Inkastoo weli faah faahino badan la heli Karin hadana waxaa jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Hirshabelle dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka la geliyo,iyadoo xildhibaanada dhaawaca uu soo gaaray lagu kala magacaabo cumar gaaboow iyo Yuusuf Karaani.

Sidoo kale gabar shaah ku iibineysay halkaasi ayaa ku dhaawacantay,waxaana wararka qaar aan helnay sheegayaan in hal qof uu dhintay.