Wararkii u dambeysay shirka Afisyooni iyo sida loo fulin doona heshiiska doorashada.

Shirka oo galay Maalintii 4aad Waxaa si weyn diirada looga saaray xal u helidda qodobadii hareeyay Muranka Doorashada.

Shirka ayaa lagu gaaray heshiis inta badan qodobadii laga wada hadlay marka laga reebo arinta Gobolada Waqooyi.

Xogta shirka ayaana Sidan.

1 In dhamaan la kala diro guddiyadii Doorashada lana soo magacaabo guddi cusub.

2 Gedo in lagu dhaqo isfahamkii Baydhabo ee February 15-16kii lagu gaaray. Haddii aan sii jilciyo in Madaxwynaha Jubbaland uu soo magacaabo Gudoomiyaha Garbarahey, guddiga doorashadana uu yahay midka uu soo magacaabi doono Axmed Madoobe, amaankana ay sugto Amisom Boolis ah.

Sidoo kale, arinta Jubbaland, Waxaa si gaar ah uga shaqayn doona Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddiyo gaar ah u xilsaari doono.

3 In aan la siyaasadayn Ama aan loo isticmaalin siyaasad Amniga iyo dhqalaaha ama aan lagu gelin olole aiyaasadeed hantida dowladda.

Maalinta War-Murtiyedka Waxaa shirka ka qayb geli doona Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayadka, Siyaasiin iyo Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirk, Waxaa hadal jeedin ka samayn doona Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirka Waxaa lagu wadaa in ay goob joog ka ahaadaan wafuud caalami ah oo ka soo qayb geli doono maalinta xiritaanka.

Arinta Gobolada Waqooyi ayay u badantahay in xal laga gaaro sida ay ii xaqiijiyeen ilo muhiim ah, Waxa ayna wararku sheegayaan in labada garab ay kala qaybsadaan guddiyada Waxaana socda dadaal xoog badan oo ay wadaan qaar ka mida Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.