Wararkii U Dmabeeyey Qarax Maanta Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Suuqaha ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qarax sababay khasaaro.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waaya Arag Electronics oo ku taalla jidka Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhashay haan Gaas oo taalay iridda hore ee Xarunta, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax lasoo dhigay iridda hore ee Waaya Arag Electronics.

Dad goob joog ahaa markuu qaraxa dhacaayey ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen laba ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Waaya Arag Electronics.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan waxa uu ahaa qaraxaan inkastoo laamaha ammaanka aysan weli warbixin soo saarin.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay qarax, mana jirto dhimasho sababay qaraxaas oo lasoo wariyey balse waxaa jiro khasaaro dhaawac iyo hanti tiilay shirkada Waayo Arag.