Wararkii UDambeeyey Dagaal Ka Socda Gudaha Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiligaan ka socda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoona la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan.

Si rasmi ah looma oga inta waxyeelada gaarsiisan tahay balse Askarta dagaalameysa ayaa waxa kala hogaaminaya Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Balcad Marna soo noqday Wasiir Katirsan HirShabelle Cismaan Xaadoole & Sargaal Magaciisa Lagu soo koobay Joore Kana Tirsan Qeybta Minishiibiyada Maamulka Gobolka Banaadir.

Khasaaro isugu jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo soo kala gaaray labada dhinac, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Waxaa socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda Degmada Kaaraan,goob joogayaal waxay sheegeen in weli duhurnimadaan Rasaas dhaceyso,aag difaacna la iskugu jiro.