Wararkii ugu dambeeyay cudurka Covid 19 ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Covid 19.

Tirada 72 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareysaa 3,205 iyadoo 15 ruux ay u geeriyootay cudurkan.

Dadka ugu dambeeyay ee laga helay cudurka ayaa waxaa ay gaarayaan 194 ruux iyadoo dadkaasina ay 65 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Banaadir, Puntland 60 ruux,Somaliland 29 ruux,Galmudug 21 ruux, Jubaland 18 ruux iyo Koonfur Galbeed 1 ruux.

Guud ahaan dadka Soomaaliya laga helay cudurka Covid 19 ayaa waxaa ay gaarayaan 17,210 waxaana u geeriyootay 953 ruux.