Wararkii ugu dambeeyay Dab khasaaro kala duwan geestay oo ka kacay Suuqa Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Fiidnimadii Talaadada abaarro tobankii iyo soddon daqiiqo ayuu dab ka kacay qayb kamid ah suuqa magaalada Kismaayo, dabka oo geystay khasaare hantiyeed ayaa ka kacay suuqa qaybta lagu Iibiyo shidaalka, wuxuuna bur buriyey shan bakhaar oo ay ku kaydsanaayeen shidaal iyo qaybaha kala duwan ee bagaashka, mana jiro wax khadaare nafeed ah oo ka dhashay.

Maamulka Magaalada Kismaayo & Bulshada Magaalada oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn saqdii dhexe ee xalay ku guuleystay daminta dabkaas, waxaana ka hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre & Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayay dabka ka kacay Suuqa Magaalada Kismaayo ayaa yiri” Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii hantidooda ku waayay musiibadii ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada reer Kismaayo ee hantidoodii ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo, dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta,”

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxweynaha ayaana umahad celiyay Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan oo gacan wayn kagaystay daminta Dabkaa iyo bulshada rer Kismaayo oo si’ wayn uga qayb qaatay daminta dabkaa ka kacay suuqa.