Wararkii ugu dambeeyay dagaal kasocda Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Wararkii ugu dambeeyey waxaa ay sheegayaan in saaka aroortii hore uu dagaal culus dib uga qarxay gudaha magaalad, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa hatan ah mid aad u kacsan, waxaana la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan kii shalay, isla-markaana uu ku fiday xaafado hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, maadaama uu dagaalku is qabsaday dhowr jiho ah oo magaalada ah.

Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood  kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in ciidamada weerarka soo qaaday ay taageerayaan kuwa maamulka Puntland, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay.

“Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo,” ayey markale tiri Wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda Gobollada Sanaag iyo Haylaan ee degaannada Puntland  oo war ka soo saaray xaaladda Laascaanood ayaa ugu baaqey in dowladda Soomaaliya in ay caddayso mowqifkeeda ayna garab istaagto calanka buluugga ah.

Xildhibaannada oo gaaraya ilaa lix mudsne ayaa soo dhoweeyey aaya-ka-tashiga deegaannada SSC, iyaga oo ugu baaqey dadka deegaannada Sanaag iyo Haylaan in ay garab istaagaan dadka kunool Gobolk Sool.