Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, xili doorasho ay ka socoto Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Beledweyne iyo Ciidamo kale oo malleyshiyaad ah

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Afaafka hore ee Xerada lamagalaay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabeen maleeshiyaad ku labisan Tuutaha Ciidanka, kuwaas oo ka careeysan in Shaqsi loo xiro Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirisaaq Maxamed (Jindi).

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen laba Ruux oo mid Shacab yahay iyo hal Askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo la geeyay dhaawacooda Ibitaalka Magaalada Beledweyne.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa Maanta aad u kacsan, waxaana maalmihii la soo dhaafay magaalada beledweyne laga dareemayay saan saan dagaal kadib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa ay isku khilaafeen hanaanka loo marayo doorashada kuraasta taalla Magaalada Beledweyne.