Wararkii ugu dambeeyay dagaal markale ka qarxay magaalada Laascaanood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka bilowda jihooyin kala duwan oo dhinaca bari iyo Galbeed ee Laascaanood.

Davaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Bariga Magaalada Laas-Caanood iyo Aaga Saldhigga Ciidamada Somaliland ee Goojacadde, waxaana dagaalka Maanta ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada SSC ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidamada Somaliland kala wareegeen Saldhigyo horleh, sidoo kalena ay ka qabsadeen Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis dhowr ah.

Wararka aan ka heleyno Gudaha Magaalada laas-Caanood ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen Gudaha Magaalada, isa markaana burbur xoogan ay u geysteen Xarumo iyo guryo kuyaalla Magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland dagaalka looga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal, dagaalka ayaa ad uga culus kana baaxad weyn dagaalladii hore ee ka dhacayay magaalada Laascaanood.