Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Guriceel.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Waxaa Maanta degan xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud marka loo fiiriyo sidii ay shalay aheyd ilaa xalay oo ay kajireen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoogan.

Dadkii ku noolaa badi degmada Guriceel ayaa ka barakacay, iyaga oo aaday degaano kale oo u dhow Guriceel si ay uga badbaadaan hadii u dhaco  dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhina c iyo Ahlusunna.

Wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in goobo tiro yar oo Ganacsi iyo waxbarasho ay furan yihiin, hayeeshee inta badan ayxiraan yihiin maadaama dadkii ay barakaceen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada duleedka Guriceel halka Ciidamada Ahlusunna ay iyana dhaq dhaqaaq ka wadaan Gudaha  Guriceel.