Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Soomaalida Iyo Canfarta, Khasaaro la soo sheegayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ay ku dhinteen colaadda maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Garba Ciise.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah. Shaley ayay aheyd markii halkaas uu dib uga qarxay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.