BELEDWENE-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in 17 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay Khamiistii shalay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Hiiraan.
Sida laga baahiyay Idaacada ku hadasha afka ciidamada, milatariga Soomaaliya waxay xoojiyeen hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab, waxayna gacanta ku dhigeen Ceel la Helay, Qasaalay, Nuurfanax, iyo Buur Gabo oo ka tirsan Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan..
Ciidanka XDS ayaa kordhiyay bilihii la soo dhaafay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gacan ka helaya ATMIS iyo duqeymaha Mareykanka.
Horaantii todobaadkan, 14 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalo ka dhacay agagaarka degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Hiiraan Maxamed Wehliye Waasuge.