Wararkii ugu dambeeyay doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug lagu dooran doonaa labo kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo horay Guddiga doorashada Galmudug ay ugu soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka.

Maanta oo Arbaco ah ayaa loo madalsan yahay in la doorto labada kursi ee tirsigoodu yahay Hpe026 iyo Hope104,kuwaasi oo ay manta ku tartami doonaan Xubnaha musharixiinta ah ee ku tartami doona.

Doorashada Galoha shacabka ayaa si toos ah uga billaabatay magaalooyinka Maamul Goboleedyada dalka, iyadoo sidoo kalena Xildhibaanada Galaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland lagu doortay muqdisho.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Golaha Shacabka ayaan lahaan doonin tartan adag, iyada oo dadka tartamaya ay diyaarsadeen ergadii dooran laheyd iyo shaqasiyaadkii la tartami lahaa oo iyagu ay wataan.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada shan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda si dardar leh uga bilaawdaan dowlad Goboleedyada, waxaana Maamulka Galmudug kan xiga uu noqon doonaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.