Wararkii ugu dambeeyay doorashada Kenya iyo ku dhawaaqista natiijada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee Kenya ayaa soo xirmay. Afar murashax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha. Codbixiyayaasha waxay sidoo kale dooranayaan gabarnatoorayaal, senataro, xildhibaanno iyo xubnaha golaha deegaanka.

Iyadoo in ka badan 26% codadka la tiriyay, Odinga ayaa helay 54% halka Ruto uu helay 45%, sida ku cad natiijada ay soo saareen guddiga doorashada Kenya.

Natiijada ayaa lagu soo bandhigay shaashad weyn oo ku taal xarunta gudiga doorashada ee caasimadda Nairobi.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay u bedeli lahaayeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gaaray dhammaadka waqtigiisii xil haynta.