Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka dalka Ukraine

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaafiicda iyo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa wali sii wada duqeymaha ay ku garaacayaan magaalooyinka dalka Ukraine.

Ku xigeenka duqa magaalada Mariupol, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay 400 oo qof oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo bukaano ay gacanta ku dhigeen “.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa dhankiisa ku dhawaaqay bandow 35 saacadood ah caasimadda, isagoo ka digay “waqti adag oo khatar ah” oo caasimadda ku soo fool leh.

Duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa habeenimadii xalay ku garaacay boostaajo laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara iyo dhismayaal ay dagan yihiin, waxaana ku dhintay 4 qof.

Ku dhawaad ​​29,000 oo qof ayaa u suurtagashay in ay ka qaxaan magaalooyinka go’doonsan ee Ukraine iyaga oo marayey waddooyinka bini’aadantinimo Talaadadii, Waxaa sidaasi sheegay la taliyaha madaxwaynaha Ukraine.

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa u suurtagashay in ay ka baxaan magaalada dekedda leh ee Mariupol, halkaas oo 20,000 oo qof ay ka qaxeen saacadihii la soo dhaafay iyaga oo adeegsanaya 4,000 oo baabuur.

Dhanka kale la taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in wada xaajoodyada lala yeelanayo saraakiisha Ruushka “ay sii socon doonaan berrito”.

waxaa uu intaa ku daray yiri “waxaa hubaal ah in meelaha qaar la isugu tanaasuli karo”.

Hadalka ka soo yeeray madaxweyne Zelensky ayaa ka tarjumayay sida uu uga xun yahay Nato in aysan wax tallaabo ah qaadin.