Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee KGS

BAYDHABO-AYAAMAHA-Waxaa maanta magaalada Baydhabo u duulay guddiga xalinta khilaafkadka doorashooyinka kuwaa oo goobjoog ka noqon doona doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo Doorashada xubno katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dooranaya shan kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee ku leedahay Koonfur Galbeed, waxaana shantan kursi ku tartami doona ilaa 10-musharax uu soo xulay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Amaanka guud ee Magaalada ayaa si weyn loo adkeyay, waxaana la arkayaa Ciidan farabadan oo ammaanka Sugaya, kuwaasi oo lagu daadiyay Xarunta lagu qabanayo doorashada.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in aysan xiiso badan laheyn, waxaana inta badan musharaxiinta tartameysa yihiin kuwa aad ugu dhaw Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta qaarkood ayaa wata xubno la tilmaamay in malxiis u yihiin kuwaa oo laga yaabo qaarkood inta aysan doorashada bilaaban in ay tanaasulaan si musharaxa wata uu  uusan qal qal u dareemin.

Doorashada Aqalka Sare ee bilaabatay ayaa u muuqata mid ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana inta badan xubnaha kamid noqonaya Aqalka Sare ku imaanayaan xulashada Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.