Wararkii ugu dambeeyay ee kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Puntland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo 25-kii bishana ku sugan magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland halkaas oo uu kulamo ay albaabada u xiran yihiin uu kula qaaday madaxweynaha Puntland, Siciida Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.