Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qof isku soo xiray walxaha qaraxa uu isku dhex qarxiyay koox dhalinayro ah oo dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.

 Qofka isqarxiyay ayaa dhex galay tobaneeyo dhalinyaro ah, oo dooneysay iney ku biiraan ururka sagaalaad ee ciidanka kumaandooska Gorgor ee Turkidu tababaraan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo ku taal degmada Wadajir.

Wararku waxaa ay sheegayaan in goobta laga qaaday tobaneeyo qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, iyadoo tiro aan la sheegin oo meydad ah xerada dibadeedda lagu arkay.

Illaa hadda ma jiro wax wara oo kasoo baxey hay’adaha ammaanka ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee Gen. Dhego badan.

Sidaas oo kale ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waloow weerarrada noocan ah badanaaba ay fuliyaan Ururka Al-Shabaab.