MUQQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto ayaa loo ballansan yahay in maanta loo dhaariyo xukunka dalkaasi, waxaana munaasibadda caleema-saarkiisa ka qaybgalaya madax kala duwan oo kuwa Qaarada Africa iyo waddamada kale ee caalamka.
Madaxdaas ka qaybgalaysa caleemasaarka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud iyo wafdi la socda.
Sidookale Madax kala duwan ayaa ka qeb galaysa caleema saarka Madaxweyne Ruto oo ugu yaraan lagu qiyaasay ilaa 20 Madaxweyne oo ka kala imaanayay gobolka iyo caalamka.
Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.