Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Liyu booliska iyo Shabaabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta xaladda deegaannadii ay Shabaab iyo Liyu Booliska ku dagaalamayeen waa ay deggan tahay iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan inay guulo la taaban karo ka soo hooyeen dagaalladii dhexmaray maalmihii la soo dhaafay.

Diyaarado dagaal ayaa goordhayd duqeeyey deegaanka Coomaad oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin ururka Alshabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegay in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey.

Al-Shabaab waxay sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya in aaggaas ay gantaal ku dhufatay.

Shalay ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ay duqeymo culus ka geysteen deegaano ka tirsan Bakool oo la sheegay inay Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay.

Duqeymahan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Garasweyne oo qiyaastii 50 kilomitir dhanka galbeed ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wararku waxay sheegayaan in gabar shacab ay maanta u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray duqeyntaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay sheegay in dagaalkii ay darraad la galeen ciidammada Liyu Booliska ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay ku dileen in ka badan 100 askari.

Faahfaahin kooban oo ururka Al-shabaab uu dagaalka ka soo saaray wuxuu ku sheegay fariisimo ay ciidamada Liyuu booliska ka smeysteen deegaanka Caato ee gobolka Bakool ay cagta mariyeen, hub iyo saanado ciidanna ay ka furteen, sida ay ku sheegeen cod ay ku baahiyeen warbaahinta afka Al-Shabab ku hadasha.

Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab ee toddobaadki hore xadka Itoobiya ka oo soo tallaabay.